Waa Maxay Asbaabaha South-Africa Ku qasbay In Ay Dacwad Ka Dhan ah Israa`iil uga furtay Maxkamada Cadaalada Aduunka.?


Inta aan asbaabahaas gudagaliin waxaan xusin mudan in aan ogaaano Koonfur-Africa waa Dal nuucee ah.? Maxayse wadaagaan ayaga iyo Falastiiniyiinta.?

Koonfur-Africa  Waa Dal dhaca Koonfurta Qaarada Africa,Tirada Dadka Koonfur-Afrikaanka waxaa lagu Qiyaasaaa 61 Milyan sanadka hada curtay ee 2024, Dadka Midabkooda Yahay Modow ayaa ah dadka ugu badan dalkaasi Tiradooda boqoleey ahaan waxaa lagu qiyaasaa 90% halka Dadka Midabka Cadaanka ah ay ka yihiin 8% boqolkiiba  waxaa jiro  dad asalkoodo hindiyaan ah oo ayagane Tiradooda lagu qiyaaso boqoleey ahaan 2%.

Dadka Koonfur-Africaanka 80% waa Charistian halka 15% aysan  haysan wax diin ah,halka diinta islaamka ay katahay dalkaasi diinta ugu dadka yar dadka haystana waxaa lagu qiyaasaa boqoleey ahaan 5%.

Luqadaha ayku hadlaan dadka Koonfur-Afrikaanku waxay ay gaaraayaan dhowr iyo toban luqadood waxaana ka mid ah Africaans,Isizulu iyo luqado kale halka luqada English ay tahay  luqada rasmiga  ah ee dalkaas looga hadlo.

Hadaba maxay yihiin waxyaabaha ay wadaagaan ama ay isaga midyihiin dalalka South-Africa iyo Falastiin:-



1.      Dadka koonfur-Afrikaanka waxay soomareen  ama ay soo dhadhamiyeen  Cadaab ku astaysnayd  gumaysi iyo midabtakoor sidaas si lamid  ah Falastiiniyinta xiligaan waxay wajahaayaan xaalaad kaba daran midii ay ka dhiidhiyeen reer koonfur- Africaanka.

2.      Koonfur-Afrikaanku waxay ahaayeen dad dalkoodi lagu soo duulay hadane dadkii soo duulay ay kulakaceen falal ladi ah ku ah bani`aadamnimada sida: Adoonsi, Midabtakoor,Dilwadareed,Xerxerid aan loo aabayeelin iyo xasuuqba`an sidaaa si lamid ah dadka reer falastiin waxay wajahaayaan Xiligaan Xasuuq aan loo aabayeelin gaar ahaan dadka marista ah( haweenka,Carruurta iyo waayeelada) iyo burburinta: guryaha, masaajidda,isbitaalada iyo Goobaha waxbarashada.

3.      Gumaystihiyaashii soo gumaystay labadaan dal (Koonfur-africa iyo Falastiin)  waxay isaga midyihiin Dad beerid  iyo deegaamaysi in dad lagu beero dalalkaas si ay u tirtiraan dadka asalka ahaa.

4.      Koonfur-Afrikaanku waxa ay  Naf iyo Maalba u hureen halgankii ay ugu magac dareen xureynta dadka modowga ah,halgankaas waxaa hormuud ka ahaa Nasel-Mandela oo Uraradii gumaysi ladirirka xiligaas jiray hogaaminaayay.

Dadka  reer falastiin sidaas si lamid ah xiligaan waxaa ka jiro uraro iska caawin  oo xuriyad doon ah oo ladagaalamo gumaystaha.

Labadan Dal sidoo  kale waxa wadaagaan midabada Calamada marka laga reebo hal midab iyo naqshada.





Comments